Qalabka biyo joojinta waxaa loo adeegsadaa xalinta biyo sii daynta goobaha dhismaha sida barkadaha dilaaca, saqafyada daroora, suuliyada biyaha nuuga iyo meelo badan oo kale.
Adeegyadda aan Bixino
Dayactirka Dilaaca Dhismaha
Dilacyadda waaweyn iyo kuwa yaryar.
Dayactir Saqaf
Saqafyadda shubka ah iyo kuwa Jilayga.
Dayactir Barkad
Barkadaha Kor udhisan iyo kuwa hoos u dhisan.
Dayactirka Aaasaaska Dhismaha
Seeska hoose ilaa meesha uu bulukeetigu fuulayo.
Faa'idooyinka Laga Dhaxalayo Adeegyadeena
Sababta ay humiim u tahay in shubka Biyaha laga difaaco
Shubka dahaarkiisa kore wuxuu leeyahay godad yaryar iyo tarar aysan indhuhu arki karin kuwaas oo u ogalaanaya biyuhu inay shubka gudihiisa u gudbaan. Dhinac markii laga fiiriyo biyahaas waa loogu baahanyahay si uu shubku u adkaado, balse dhinaca kale biyuhu waxay dusha kore ee shubka usoo qaadayaan walax sida cusbadda taasoo difeyto u geysanaysa shubka, arintaas waxay keenaysaa shubku inuu noqdo mid aan mudo dheer sii jirin.
Shub Biyaha Laga Difaacay
Saqaf Aan Laga Difaacin Biyaha
Maadadda Polytex iyo waxqabadka Saqafka
Maadadda Polytex waa mid tayadeedu sarayso taasoo markii la
mariyo saqafka, lakab biyaha celinaya ku samaynaysa dusha
kore ee saqafka.
Faa'idooyinka Maadooyinka Saqafka
Maadooyinka saqafka korkiisa la mariyo waxay saqafkaaga ka celinayaan biyaha, biyahaas oo dhaawac weyn u geysanaya tayada dhismaha sido kalena daxal u geysanaya biraha shubka isku haya.
Ka hortagga Cusbadda iyo Qoyaanka Dhismaha
Waxaan haynaa qalab kala duwan kuwaasoo ka hortaga cusbada ku dhalata aasaaska dhismaha, sida,
1. Polyethylene Sheet – Kasoo ah plastic aasaaska dhismaha la dhigo kaasoo qoyaanka iyo cusbada ka celinaya qeybta hoose ee darbiga.
2. Polycoat – waa rinji daamur ah kasoo la mariyo darbiyadda seeska iyo seeska korkiisa si qoyaan iyo cusbadda looga hortago.
3. Bitumen Membrane – waa duub daamur ka sameysan oo la dhigo aasaaska dhismaha sida meesha bulukeetigu ka bilaabmo si qoyaanka looga hortago.
Qalabka Aan Isticmaalno
Qaar Ka Mid ah Shaqooyinka aan Qabanay
Nala Soo Xiriir
Fadlan nala wadaag su’aasha aad qabtid.
La soo xiriir number-da hoos ku xusan;
+252 907 384399
+252 907 323770
+252 907 645737
Email: [email protected]
Fariin noogu reeb Whatsapp.